Diego costa oo laga saaray xulka qaranka spain

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain, Diego Costa ayaa laga saaray xulka Spain ee ciyaaraha saaxiibtinnimo la yeelan doona toddobaadkan xulalka Equatorial Guinea iyo South Africa kadib markii uu dhaawac lugta kasoo gaaray.

Costa oo ah 25 jir ku dhashay dalka Brazil ayaa horey xulka Brazil ugu ciyaaray laba kulan oo saaxiibtinnimo, balse wuxuu doortay in uu Spain u ciyaaro kadib markii uu ka helay deggenaasho.

Weeraryahanka Juventus Lliorente ayaa lagu beddelay Costa oo rajeynayay in uu markii ugu horreysay xerto fanaanadda La Roja.

Costa waa ciyaaryahankii 5-aad oo Brazil ku dhashay oo matala xulka qaranka Spain, waxaana kaga horreyay Heraldo Becerra, Catanha, Donato iyo Marcos Senna.

Ciyaartoyda Spain u matali doona labada kulan ee toddobaadkan:

Goolhaye: Iker Casillas (Real Madrid), Pepe Reina (Napoli), Victor Valdes (Barcelona)

Difaac: Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Raul Albiol (Napoli), Sergio Ramos (Real Madrid), Alberto Moreno (Sevilla), Juanfran (Atletico Madrid), Inigo Martinez (Real Sociedad), Nacho Monreal (Arsenal)

Dhexda : Sergio Busquets (Barcelona), Xabi Alonso (Real Madrid), Koke (Atletico Madrid), Andres Iniesta (Barcelona), Santi Cazorla (Arsenal), Cesc Fabregas (Barcelona), Javi Martinez (Bayern Munich)

Weerar: Jesus Navas (Manchester City), Alvaro Negredo (Manchester City), Pedro (Barcelona), David Villa (Atletico Madrid), Juan Mata (Chelsea), Fernando Llorente (Juventus)

25. November 2017 by admin
Leave a comment

Leave a Reply

Required fields are marked *